​Odayaal difaacay MD Gaas, kana hor-yimid Bayaan looga codsadey inuu isku-casilo[Daawo]

0

Daawo:Madaxweyne Gaas oo loogu baaqay inuu Is-casilo, si loo daba-qabto Puntland Waxaa maanta oo Talaado ah (August 22) Shir Jaraa’id ku qabtey magaalada Garoowe, Nabadoono, sheegay inay kasoo horjeedaan go’aankii shalay kasoo baxay Beesha Obokor Ciise. Odayaashan kasoo jeeda isla Beesha Obokor Ciise, ayaa sheegay in laga been abuuray Magacyada qaar ee ku saxiixnaa War Saxaafadeedkii lagu dhaliilay waxqabadka maamulka Madaxweyne Gaas. Dhowr Oday, oo kamid ah kuwa Shirka Jaraa’id qabtey, ayaa tilmaamay in aysan jirin shir guud oo beesha Obokor Ciise ay yeelatay, iyagoo ka raali-geliyay Madaxweyne Gaas Bayaankii lagu dhaliilay. Odayaashii hore ayaa bayaankooda waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Gaas inuu ku fashilmay Waajidbaadkii loo igmaday, sida Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amaanka, waxayna ugu baaqeen inuu is-casilo. Odayaashan maanta hadlay oo u muuqday kuwa ay Xukuumadda soo abaabushay, ayaa difaacay Dowladda Puntland iyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas, oo ay amaaneen waxqabad iyo horumar inuu gaarsiiyay Puntland, intii uu Xafiiska joogay Daawo warbixinta Odayaashan abaabulkooda ku saabsan Mamaulka Gaas marka laga soo tago Waxqabadka xumada waxaa kamid ah inuu sameeyay muqus-maasuqii ugu ballaarnaa, oo Taariikhda Puntland soo mara, kadib markii uu daabacay Lacago Faalso ah, oo keenay Sicir Barar xooggan, oo saameeyay dhaqaalah iyo nolosha shacabka.   Daawo Warsaxafadeedki Maanta:- https://youtu.be/LRRcC_eSJjs     Goojacade.com Garowe-Puntland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here