​Saraakiil Cabsho mushahar la'aan ah u gudbiyay Barlamanka Puntland

0

GAROWE, Puntland- Saraakiil katirsan ciidamada Difaaca Puntland, ayaa cabasho la xiriirta mushahar ka maqan muddo kudhow Sannad u gudbiyay golaha Barlamanka Puntland ee fadhigoodu yahay Garowe. Ciidamada ayaa sheegay inaysan muddooyinkii dambe helin xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda gaar ahaan; Mushaharkii billaha ahaa, Gunnooyin iyo adeegyadii kale ee lagu daryeeli jiray askarta iyo qalabkooda. Cabashadan oo ay gudbiyeen saraakiil dhowr ah, ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay waxyaabaha ka maqan, waxayna cadeeyeen inay dowladda ka waayeen dalabkood kadib codsiyo badan oo ay u gudbiyeen. Golaha Barlamanka ayay ka dalbadeen inay xuquuqdooda meel loo saaro maadama ay hayaan howl qaran, difaaca dadka iyo dalkaba. Arrintan ayaa keentay in Xildhibaanadu u yeeraan Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, Axmed Cali Xaashi oo waqtiga cabashada loo gudbinayay ku maqnaa magaalada Bosaso, waxayna u sheegeen inay jirto dhibaato adag oo haysata ciidanka, sidaas awgeed loo baahanyahay in loo yeero Madaxweynaha si howshaasi wax looga weydiiyo. Xaashi, ayaa tallaabadaas iyo dalabka Xildhibaanada kala hadlay Madaxweyne Gaas oo u sheegay in xal looga baahanyahay xukuumaddda maadaama Barlamanku aad u kacsanyahay oo tabashooyinkii hore ugu darsameen tan Ciidamada. Madaxweyne Gaas oo muddooyinkii dambe looga bartay inuu xalkeeda raadiyo howsha cadaadiska ku haysa markaas, ayaa Guddi Wasiirro ah oo ay ku jiraan, wasiirradiisa Deegaanka iyo howlaha Guud usoo diray magaalada Garowe isagoo u xil-saaray inay dhammeeyaan cabashada ciidamada. Wasiirradaas ayaa kulan la qaatay sarakiisha dalabka u gudbiyay Barlamanka, waxayna ka dhaadhiciyeen in dowladdu bixin doono Labo Bilood oo Mushahar ah iyo Gunnooyinka labo kale, sidaas awgeed xiisadda dajiyaan.
Xubnahaas ayaa sidoo kale Arkay Xildhibaanada gaar ahaan Guddiga joogtada ah, waxayna ku wargaliyeen in cabshada ciidamada dhammeeyeen sidaas awgeed la laalo kiiska Barlamanka loo gudbiyay. Soo jeedintaas ayaa keentay in Mudanayaasha golaha shacabka Puntland ku kala qaybsanaadaan, taasoo markii dambe dhalisay in saraakiishu diidaan xalkii wasiirradu soo gudbiyeen. Kulankaas, ayaa markii dambe kusoo dhammaaday guul darro iyo fahamwaa, waxaana arrintan timid xilli ciidamada Puntland tan iyo markii xilka uu qabtay Madaxweyne Gaas ka cabanayeen mushahar la’aan iyo daryeel caafimaad xilliyada dagaalka taasoo keentay inay gadood ka sameeyaan magaalooyinka waaweyne ee maamulkaas. Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda Puntland oo ku aadan tabashooyinka soo noq-noqday ee la xiriirta xuquuqaha ka maqan shaqaalaha dowladda, waxaana dhaq-dhaqaaqan kusoo aadayaa xilli shacabku mudaharaadyo ka sameeyeen magaalooyinka muhiimka ah ee Puntland iyagoo kasoo horjeeda sare u kaca ku yimid Maciishada iyo sarrifka lacagaha Qalaad. Wixii kasoo kordha kulamada u dhaxeeya Saraakiisha Ciidamada, wasiirrada iyo Barlamanka waxaan idiin kusoo gudbin doonaan Wararkeenna dambe.
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here