Meydka qof aan la aqoonsan oo saaka laga helay agagaarka Xeebta Curubo

0

April 06 (Goojacade.com)— Meydka Qof aan la aqoonsan oo da’diisu lagu qiyaasay 50-jir ayaa saaka lagu arkay inta u dhaxeysa Xeebta Curubo iyo Sugunto Liido ee degmada Shingaani. Meydkan oo aan la ogeyn in la dilay oo badda lagu tuuray iyo inuu is dilay oo badda soo tuftay ayaa dadka deegaanka wali aqoonsan la’yihiin. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in meydka ninkan aysan jirkiisa ka muuqan wax rasaas ah, isla markaana kala cadeyn karin in la dilay ama hadii uu is dilay. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada booliska ee degmada Shingaani ay gaareen halka lagu arkay meydka ee agagaarka xeebta Curubo. Sanadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ayaa waddooyin ka mid ah lagu arkayay meydadka dad la dilay oo jidadka la soo dhigo. Goojacade.com Muqdisho-Soomaliya email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here