Ra’iisul Wasaaraha UK oo saxiixday warqada ay uga baxayaan Midowga Yurub

0

March 29 (Goojacade.com)— Ra’iisul Wasaaraha Uk Theresa May ayaa saxiixday warqaddii ay dalkeeda uga baxeyso Midowga Yurub, kaddib markii sanadkii hore dadka UK ay afti u qaadeen inay ka baxaan Ururka Midowga Yurub. Theresa May ayaa warqada ogeysiiska oo waafaqsan qodobka 50aad ee heshiiskii Lisbon u gudbin doonta Madaxweynaha Golaha Yurub Donald Tuska maanta oo Arbaco ah. Ra’iisul Wasaaraha UK ayaa sheegtay in tallaabadan ay astaan u noqon doonto wadajirka dalkeeda, isla markaana ay ka go’an tahay dhameystirka ka bixitaanka Midowga Yurub. Waxaa ay maanta shir guddoomin doontaa kulan ay yeelan doonaan Golaha Wasiirada, iyadoo sidoo kale warbixin ka hor-jeedin doonta Xildhibaanada, si ay ugu wargeliso inuu bilowday ka bixitaankii UK ee Midowga Yurub. Goojacade.com Muqdisho-Soomaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here