16 Qof oo xoolo dhaqato ah ayaa lagu gawracay Galbeedka Kismaayo iyo dagaal ka dhacay

0

Wararka ka imaanaya Tuulada Feer-sagaaro ee Galbeedka Magaalada Kismaayo ee Gobolada Jubada Hoose ayaa ku waramaya in halkaas lagu gowrcay 16-ruux oo Xoolo dhaqato ahaa. Gowraca dadkaan ayaa lagu eedeeyay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, kadib markii ay dadka ka biya diideen in ay Xoolaha ay dhaqdaan ay ka bixiyaan Sakawaad oo shabaab ay ka qaadaan dadka ku nool goobaha ay ka arrimiyaan. Dhanka kale dagaal xoogan oo u dhaxeeya dadka xoolo dhaqatada ah, iyo Ciidamada Maamulka Jubba-land oo inkaashana iyo shabaab ayaa dhacay tuulada Yaaq-bishaaro ee Galbeedka Magaalada kismaayo. Dhaqdhaqaaq Ciidan ay sameynayaan Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa haatan laga dareemayaa Gudaha Magaalada Kismaayo. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here