18 Sano kadib maxa Maamulka Puntland u qabsoomey?

0

Hadaba 18sano kadib Maxa u qabsoomey Puntland. Madaxweyne Cabdi weli Maxamed Cali ”Gaas” waxaa u qabtey xilka madaweynaha Puntland 8-1-2014 hadaba hadan is yara xasuusino khudbadi uu ka jidiyey Madaxweyne ”Gaas” inuu musharaxa ahaa Barlaamanka Puntland Qodobadii madaxweyne Gaas ka hor-jeediyey 2014 Barlaamanka Puntaland. ”Puntland kama jirto dowladnimo tabad qadey,Puntland kama jirto dowlad u damqata dadkeeda iyo mid u adegta dadkeeda kama jirto dowlad daboosha bahida dadkeeda puntlandse kama jirto dowlad ku shaqeysa rabitaanka dadkeeda Puntland uma bahna cid ku far barata oo ku feegarta wad la socotaan heerka uu garey dilalka loo geysto aqoon yahanada iyo siyaasinta waxana la joga xiligi la joojin lahaa” waxa sida yiri madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas”. madaxweynaha ayaan so hadal qadey waqtiga Sool Sanaag iyo Cayn wuxuuna yiri” dhulka maqaan waa bog ku taala qof kasta oo Puntland ah sool sanaag iyo cayn fataxo laguma qabsan fataxa laguma so celin doono” Dhanka kale madaxweynaha ayaa xiliga so hadal qadey inuu dhisi doono ciidamo xaqiinjin doona Amniga Puntland iyagoona si jogta ah loo sin doona musharkooda lana tayeen doono. Hadaba sida la socono dhawan sanadihii ugu danbeyey waxaa Puntland kuso noq-noqonayey ciidamo gadoodsan oo qabsanayey xarumaha dowlada sida Bangiiga dowlada wasarada Maliyada iyo kantaroolada Magalada Garoowe, waxaan oraan karna Madaxweyne Gaas waa ka gabiyey qodobki ahaa ciidamada Puntland musharkooda wan siinayna. Sido kale waxaa uu Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali sheegay Puntand ineysan ka jirin Dowlad dadkeeda u damqata lakiin hada uu xilka hayo Madaxweyne Gaas uu ka bixi wayey safaro jogta iyadoo dalka ka jirto Abaaro xun oo meel halis ah gartey,Puntland ayaa sanadihii ugu danbeysay noqotey mid amnigu faraha ka baxey iyadoona haldoorka ummada lagu layey Magalooyinka Bosaaso,iyo Galkacyo, guud ahaan puntland ayaa ku fashilmatey ujedadi loo as aasey. QOWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN!! Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” ayaa ahaa ninka ama Musharaxa ugu qudbada wanagsana Shacabka reer Puntlandna waxay ka qabin raajo wanagsan si kastaba ha ahaate raajoyinki Gaas laga qabey waxay iskugu so biyo shubatey QOWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN!!. Gaas iyo reer Puntland yaw Garnaqi doona? Gabaygan waxaan tiriyey Abwaan Cusmaan Keynadiid waxaa unaa ka hadlaya xalada dhabta ah ee hada ay Puntland ku sugan tahay. Ninkii goomaan jirey haddii guule wax u dhiibo Gadaal wax uma fiirshoo hawaa geysa meel daran Cidna uma gargaaroo faqruu gocan abiidkiise Gacalada tolkiyo dabakannaax yaw garnaqi doona Warbaahinta Puntland. Madaxweynaha Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marku ahaa Musharax sheegay in warbaahinta Puntland ay xor tahay dhaliili kartana Dowladiisa amaani kartana,Balse Dowladi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa noqotey dowladi ugu tacadiga badna intii dowlada so martey Puntland waxaa sanad guudaheeda warbaahinta lagula kacay tacadiyo ka dhan ah oo ka hor imaneysa hananka dowladnimo iyo dastuurka dalka u yaala,Iyadoona si sharci daro ah lagu xirey Idacada daljir xirneedna muddo 4 isbuuc ah iyo Sidoo Kale TVGA Universal oo Maalmihi uGu danbeeyey Dacwadiisa Laga Mamnuucay Ka Hawlgaalida Degaanada Puntland sido kale waxaa iyagana si sharci daro ah loo xirey Weriyaal loona sidayey si sharci daro ah iyada oo la Leeyahay Xoriyadu Dan Ma Idin Tahay. ”waxaan maqli jirey Hal xaraan ah nirig xalal ah ma dhaasho” hadey Dowlada hada jirta ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu hogaamiyo ay ka deen wayaan Saxafada Tacdiga waxay noqon dowladiisa Hashi xaranta ahayd. Gabay xoriyada Saxafada. Arxanna aan u gelahayn, kuwii aadka ugu xiiqay Ee ololii wacadkay mareen, oofin kari waayay Ee ubadki soo wada halgamay, aad yar lagu laayay ***** Ee Awdal iyo selel nabdoon,ololka gaadhsiisay Ee gacalki wada ooli jiray, kala irdhaysiisay Saxafadan afkii laga xidhay, laga ilroonaaday Ee kii eray yidhaahaba, dadkii la aamusiinaayo Ee ooridii dumar xidhaye,badaya eedaadka Isimada Puntland sii kala irdhoobay. Sanadihii ugu danbeysay waxaa Puntland ku soo badanayey khilaafyo hareeyey Ismada Puntland kadib markii,Boqorka Beesha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa 13 May ku dhawaaqay shirweyne guud oo ay isugu iman doonaan duubabka dhaqanka geeska Afrika, Kaas oo sida uu iclaamiyey ka furmi doona Magaalada Qardho 21 May. Sido kale 15 July, 2016 ayey aheyd marki raxan isimada Puntland ah ayaa iskugu yimaaden Magalada Garoowe ee Casumada Garoowe iyagoona kulankooda ugu horyimi shirki oday dhaqameedka Soomaaliya oo uu Boqor Burhaan Boqor Muuse uu ku qabtey Magalada Qardho ee xarunta dhaqanka Soomaaliya, waxaana kamid ahaa Isimada Shirka iskugu yimiIslaan Ciise Islaan Maxamed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase, Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Maxamuud, Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, Garaad Maxamed Cilmi Shirwac, Boqor Cabdulaahi Axmed Cali iyo Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa ka mid aha 19 Isim oo ku saxiixnaa qodobada ka soo baxay shirkii Garoowe. Taasna waay niyaad jab wey ku noqotey Shacabka weynaha reer Puntland sababto ah Isimada Puntland iyaga ayaa Puntland Asaasay. Gabaygi ka hadlaya is haynta Isimada Puntland. Guddi belo gar wada leexsan iyo xaal aan go’a haynnin  Odayaal guurguurana hayoo goor xun soconaaya Isimada reer Puntland iyo hogaminta yaw garnaqi doona? Dawladaa amaantuun rabtiyo, aayo inay gaadho W/Q Weriye Sharmaarke Cabdulqaadir Jaamac Gmail. Sharmaayare2016@gmail.com Xafiiska Shabakada Goojacade.com Bosaso-Puntland soomaliya Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here