Wararka ka imaanaya Muqdisho waxa ay sheegayaan in ugu yuaraan 20 qof ay ku dhinteen weerarkii xalay fiidkii lagu qaaday maqaayado ku yaalla Xeebta Liido. Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi. Tiro intaa lamid ah ayaa weerarkaasi ku dhaawacantay sida wasaaradda ay sheegtay. dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah weriyihii hore ee BBC ee Muqdisho Maxamed Ibraahim macallimu. Dadkii goobjoogayaasha ahaa ayaa waxa ay sheegayaan in rasaasta ay dhinac kastaa u duuleysay, dadka qaar ay ka boodeen daaqadaha qaarna ay musqulo isku xireen. xaaladda goobta weerarka uu ka dhacay ayaa hadda la sheegayaa inay gacanta ku hayaan ciidamada amniga ee Soomaaliya. Laamaha amniga waxa ay sheegayaan inay gacanta ku dhigeen nin ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay weerarkaasi lagu qaaday Liido.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.