30 ruux oo ku dhintay doon ku dagtay Dalka Uganda

0

Booliiska dalka Uganda ayaa sheegay in ugu yaraan soddon ruux ay dhinteen ka dib markii ay la dagtay doontii ay saarnaayeen. Shilkaasi wuxuu ka dhacay harada Like Albert oo ku taalla Galbeedka dalka. Rakaabka doontu waxay u badnaayeen koox kubadda cagta ciyaarta iyo taageerayaashooda oo u socday ciyaar saaxiibtinimo. Booliisku waxay sheegeen in rakaabku uu ka badnaa tankii ay qaadi kartay doontu isla markaasna ay heeso qaadayeen oo ay damaashadayeen. Waxaa lagu soo waramayaa in doontu ay ku dagtay biyo dagan oo aan hir lahayn amaba aan aad u dhaqdhaqaaqaynin. 15 qof ayaa la soo badbaaadiyay. Shilalka ayaa caadi ka ah harada Lake Albert halkaas oo doomaha la buux dhaafiyo isla markaasna aysan helin dayactir wanaagsan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here