Midoga Yurub oo Maamulada Soomaliya ugu baaqay joojinta Xukunada dilka ah

0

Midowga Yurub ayaa sheegay in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya & Dawlad Goboleedyada dalka ay ugu baaqayaan inay joojiyaan xukunada dilka ah oo ay fulinayaan, waxaana uu sheegay inaysan midowga Yurub raali ka ahayn ayna tahay xad gudub ku aadan arimaha xaquuqda Aadanaha. Warbixin ay soo saartay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka iyo Dalwad Goboleedyada ay fuliyeen dilalka ciqaabta ah, waxaana wal-wal laga muujiyay in kiisaskaas qaar ku jiraan kuwa rayid ah oo la fuliyo. 29 Dil Ciqaabeed ayaa ay sheegeen Midowga Yurub in sanadkaan 2015 ay fuliyeen intooda badan maxkamadaha Milatariga ee dalka kuwaas oo la sheegay inay xadgudub ku noqonayaan Xaquuqda Aadanaha. “Waxaan si xoog leh ku boorinaynaa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan isticmaalka Maxkamadaha Ciidamadu inay kiisaska dadka rayidka xukumaan iyo in ay hubiyaan in nidaamka xuquuq dhowrka leh si buuxda loogu hoggaansamo iyadoo nidaamka saxda ah ee rafcaanka ahna la meel mariyo”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Midowga Yurub. Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya & Dawlad Goboleedyada ayaa inta badan dilalka u adeegsada Askarta disha dadka rayidkaa & Xubnaha Alshabaab ee falalka lagu helo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here