61 Guuradii maalintii ugu horeysay ee calanka Somaliya la taago oo barito ku beegan

0

Barrito oo ah 12 Octobar waxaa ku beegan Maalintii la taagay calanka Somaliya oo ay ka soo wareegtay 61 sano. Wasiirka warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo lahadlay warbaahita Muqdishu ayaa sheegay in shacabka Somali-yeed laga doonayo inay sameeyaan isu soo baxyo waawayn. “Dowlada Somaliyeed iyo dhamaan shacabkeeda waxay ku wargalinaysaa inay nagu soo food leedahay sanad guuradii 61-aad ee calanka Somalia, calanku waa astaanta ugu saraysa ee dal waliba uu leeyahay, hadaba waxaan ku boorinaynaa in la wayneeyo maalintan” Ayuu yiri Maareeye. 12-ka October 1954-tii waxay ahayd markii ugu horaysay ee la taago calan uu leeyahay dalka Somalia, hadda waxaa laga jooga 61 sano, waxaana maalintaasi dalka ka dhacay xusas ballaaran oo lagu muujinayo muhiimadda ay leedahay 12 Octobar. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here