Akhriso Wargeyska Hubaal oo Baashe C Jaamac ku tilmaamay Shimbir Xukuumada Siilaanyo

0

Wargeysyada Magaalada Hargeysa oo uu sheegay in Wasiiro ka tursan Xukuumada Siilaanyo ay wejigabax iyo gadood kala kulmeen Beelaha Nugaal, laakiin uu Shinbir u noqday Wasiirkii Hore ee Biyaha Baashe Cali Jaamac.

Akhriso Qoraalkii Wargeyska oo dhamaystiran.

WASIIRKII HORE EE BIYAHA MR. BAASHE CALI JAAMAC OO RAXAN WASIIRRO AH KAGA MIISAAN BATAY KULAN AY LA QAATEEN WAXGARADKA BEELLAHA MAXAMUUD GARAAD.

Shan Wasiir Oo Weji Gabax Kala Kulmay Shir Ay Xukuumaddu U Dirtay Inay La Qaataan Haldoorka Dhaqanka Ee Beellaha Maxamuud Garaad

Wasiirkii Hore Ee Biyaha Mr. Baashe Cali Jaamac Oo Raxan Wasiirro Ah Kaga Kalsooni Batay Waxgaradka Beellaha Maxamuud Garaad

Laascaanood (Hubaal)- Wasiirkii hore ee wasaaradda biyaha Somaliland Md. BAashe Cali Jaamac oo waqti xaadirkan ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ku guulaystay in uu degenaansho iyo xasillooni ku soo dabaalo xiisad ka dhalatay gadood ay haldoorka dhaqanka ee beesha Maxamuud Garaad kala hor tagtay raxan wasiiro ah oo ay xukuumaddu u dirtay in ay ka qayb galaan shir wejigiisii labaad ay u ballansan yihiin isimada iyo madaxda dhaqanka ee beellaha Nugaalleed, shirkaasi oo daba socday shir kal hore xukuumadda iyo beeshaasi ku yeesheen deegaanka Awr boogays kaasi oo intii uu Wasiirka ahaa Mr. Baashe ay labada dhinac qoddobo ku kala saxeexdeen, hase yeeshee markii dembe khilaaf uu wasiirka madaxtooyadu dabada ka riixayaa sababay in xilka laga qaado wasiir Baashe oo loo tirinayo in uu yahay udub dhexaadka shirkii Awrboogays isla markaana deegaannada Bariga Somaliland ku soo xidhay dawladda Somaliland.

Haddaba WAsiirkii hore ee Biyaha Somaliland Mr. Baashe Cali Jaamac ayaa ladqabo iyo isu soo dhawayn ka dhex bilaabay raxanta wasiirrada ah ee ay xukuumaddu udirtay in ay shirkaasi uga qayb galaan kuwaas oo ay odayaasha dhaqanka iyo ergada shirweynuhuba ku gacan saydheen in ay xukuumadda u metelaan iyaga oo ku tilmaamay in aanay kalsoonida shacbiga deegaannada Dhulbahante ee shirku khuseeyo metelin wasiirradan, taas bedelkeeda se uu Mr. BAashe Cali Jaamac Kalsoonidooda iyo masiirkooda siyaasadeedba hogaaminayo.

 

Weftiga wasiirrada ah ee xukuumadu dirtay oo ka kooban wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Wasiiru dawlaha warfaafinta, wasiirka biyaha, wasiir ku xigeenka boosaha iyo isgaadhsiinta iyo agaasimaha guud ee wasaaradda hiddaha iyo dhaqanka ayaa sida warku sheegayo waxaa ay weji gabax kala kulmeen magaallada Laascaanood kadib markii ay ergooyinka shirku ku gacan saydheen in ay wax wada xaajood ah la galaan, isla markaana ay masiirkooda ka taliyaan iyaga oo ku socda magaca xukuumadda Somaliland oo ay ku eedeeyeen in ay jebisay axdi qarameedkii wejigii hore ee shirkii Awrboogays ay xukuumaddu la saxeexatay odayaasha iyo ergooyinka beellaha nugaalleed, kuwaas oo ay hoosta ka xariiqeen in ay ka baxday qoddobadii ay hore ugu heshiiyeen in wax laga qabto. Intaasi kadib wasiirkii hore ee biyaha Mr. Baashe Cali Jaamac oo isagu ku sugnaa magaallada Laascaanood ayaaay weftiga wasiirrada ahi u qayshadeen si uu u dejiyo xaallada kacsan ee odayaasha maadaama oo ay isaga kalsooni ku qabaan, halkaasna waxaa uu Mr Baashe ku guulaystay in uu dejiyo shucuurtodda isaga oo u hogatusaaleeyey qiimaha ay qaranimoadu leedahay iyo kala duwanaanshada arrimaha siyaasaddaee la isku hayo ama ay deegaan ahaan tabanayaan iyo midda qaddiyada dawladnimada Somaliland, sidaasi oo ay tahayna waxaa uu ugu baaqay kuna qanciyey odayaasha in ay labadaasi arrimood kala soocan yihiin wixii tabasho ah ee xukuuamdda laga tirsanayona ay halkeeda kaga garnaqsan doonaan hase yeeshee aanay marnaba caqliga saliimka ah ka suuroobayn dareenkaasi taban lagu ladho qaran diidmo.

Akhriso Wargeysk hubaal http://www.hubaalmedia.net/wasiirkii-hore-ee-biyaha-mr-baashe-cali-jaamac-oo-raxan-wasiirro-ah-kaga-kalsooni-batay-waxgaradka-beellaha-maxamuud-garaad/

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here