8 qof oo ku dhimatay dagaal deegaanka Warmaxan ku dhexmaray Ciidamada iyo Shabaab

0

Kadib dagaal xogggan oo maanta ku dhexmaray alshabaab iyo Dowlada deegaanka Warmaxan ee gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa soo baxya kororka khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaalkaan oo yimid markii alshabaab weerar ku qaadeen deegaanka Warmaxan oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Dowlada Soomaaliya. Inta laga warhayo ilaa 8 ruux ayaa dhimatay kuwaasoo badankood ah dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay halka dhaawucu iska yaryahay. Sidoo kale waxaa ka hadlay dagaalkaan Afhayeenka maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Xuseen Shiine kaasoo sheegay in dhanka Dowlada uu kaga dhintay hal askari halka alshabaab laga dilay 7 dagaalame inkastoo aanu cadeyn u ekeenin. Iska hor imaadyada ka dhacay warmaxan ayaa la sheegay inay soo qaadeen alshabaab xalay iyo saaka iyadoo mar shabaabku qabsadeen deegaakaasi inkastoo ay dib kaga baxeen.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here