Daawo Sawirro: Goobihii ay difaacyada kaga jireen ciidamadii Itoobiya ee ka baxay Ceelbuur

0

Ciidamadii Itoobiya ee maalmo ka hor ka baxay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa degmadaas ku lahaa goobo difaacyo ah oo ayku sugnaayeen sadexdii sano ee ay joogeen halkaas. Difaacyada ay ka baxeen ciidamada Itoobiya ayaa badankood waxay ku yaalleen hareeraha magaalada Ceelbuur. Ciidanka Itoobiya ayaa magaalada ka deganaa dhanka galbeed waxayna difaacyo waaweyn ka dhisteen dhul dhererkiisa lagu qiyaasay 5-Km oo isku wareeg ah. Godad waaweyn iyo goobo kale oo jawaano lagu raseeyey ayey iskugu jireen difaacyadaas oo ahaa gabaad ay ciidamada Itoobiya ka galaan marka la soo weeraro. Xafiiska Shabakada goojacade.com Muqdisho Somalia Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here