BIYIHII SOOL OO KOOX LA SIIYEY IYO BERBERA OO ISKA DIFAACDAY

0

      Biyihii Gobolka Sool ayaa la sheegay in lagu wareejiyey koox lagu sheegay ganacsato, oo aan horay looga baranin qiime jaban iyo naxariista shacabka. Shacabka Gobolka Sool ayaa ka muujiyey dareen murugo leh oo isku mid ah, iyadoo arintani filanwaa ku noqotay. Korontada Magaalada Laascaanood ayaa horey waxay gacanta ugu jirtay hal koox ah, kuwaas oo qiimaha gaadhsiisay meeshii ugu sareysay, iyadoo hada shacabku ku liibaanay wershad cusub oo koronto oo uu hirgeliyey Ganacsade Gobolka ka soo jeeda oo la yiraahdo Maxamed Jabuutaawi, isagoo qiime aad u jaban ku iibinaya adeega korontada. Dhanka kale Magaalada Berbera ayaa la sheegayaa inay iska difaacday qorshe ay u aragtay in loogu gogol xaadhayo in isla kooxda Biyaha Sool loo gacan geliyey Biyaha Berberana loogu daro. Qorshahan gogol xaadhka ah ayaa la sheegay in la doonayey in lagu bedelo Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Keyd Cabdillahi Xandulle, si ay u fududaato in biyaha berbera si hawl yar kooxdan loogu wareejiyo. Difaaca bedelka maareeyaha ayaa la sheegayaa inay iska kaashadeen Maamulka degaanka iyo masuuliyiinta Wakaaladu, waxaana la cadeynayaa in masuuliyiin wasaarada ka tirsani ay faro madhnaan ku soo huleeleen. Madaxweynaha Somaliland ayaa dhowaan u digay masuuliyiinta doonaya inay waqtiga kala guurka ah hantida dowlada sii dabagoostaan, waxaana la filayaa inuu si dhaqso ah masuuliyiin farabadan oo laga shakisan yahay, Golaha xukuumada uu ka dareeriyo. Goojacade.com Laascaanod-Somaliland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here