Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ayaa shaaciyay in mid ka mid ah saraakiisha sare lagu dilay dalka Suuriya. Abu Maxamed al-Cadnani, oo ahaa afhayeenka ururkaasi ayaa lagu dilay iska hor imaad ka dhacay gobolka Xaleb, sida lagu sheegay barta internet-ka ee Amaq, ee xiriirka la leh dowladda Islaamiga. Ururka ayaan ka hadlin xilliga uu dhintay sarkaalkaasi. Mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka, ayaa BBC u sheegay in ay qiimeynayaan duqeyn cirka ah oo Talaadadii loo geystay deegaanka al-Bab ee waqooyi bari Xaleb. Waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa al-Cadnani ku tilmaamtay in uu yahay argagixis caalami ah, waxaana madaxiisa dulyaalay 5 milyan oo dollar.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.