Agaasimihii Guud ee Wasiirka Biyuhu shaqada ka joojiyey oo qufushay xafiisyadii Wasaarada

0

Agaasimihii Guud uu Wasiirka Biyuhu Shaqada Ka Joojay oo Qufushay Xafiiskii Wasiirka iyo Xafiisyadii Wasaarada Biyaha Shaqaalihiina Dareeriyey Markay soo Baxday Xilka Qaadistii Wasiir Baashe Waxa umada Somaliland la yaabeen inuu agaasimihii Guud ee uu shaqada ka joojay wasiirka biyuhu mudane Baashe Cali Jaamac uu subaxiiba la soo kalahay qufulo iyo rag hubaysan oo uu qafishay xafiisyadii wasaarada biyaha oo ay u soo shaqo tageen shalaalihii wasaaradu. C/risaaq Naakhuude oo ah nin meel adag haysta kaas oo xilka looga qaaday Baashe kadib markay wada shaqayn kari waayeen Baashe iyo laba wasiir oo isaga ka horeeyey ayaa isaga oo aan is hubsan in wasiir shaqadii ka joojiyey welina aanay soo bixin warqad kale oo loogu ogolaaday inuu soo shaqo tago ayaa subaxdinimadii shalay soo galay wasaarada isagoo sida qufulo badan. Waxa uu ka soo dareeriyey shaqaalihii dhamaan xafiisyadii. Shaqaalihii oo uu xishood ka muuqdo ayaa si ixtiraam leh uuga soo baxay xafiisyadii. Waxa uu watay askari oo bilaash xaytayaal ahaa kuwaas oo ku yidhi yaanay cidi soo gelin. Waxa uu xanibay shaqadii wasaarada hawlmaalmeedkii wasaaraduna wuu istaagay. Hadaba waxa umadii layaab ku noqotay sidee uu agaasimihii shaqada laga joojay u soo geli karaa wasaarada. Sida nidaamku yahay wasiirka xilka laga qaaday waxa uu ku simaa wasiirka la magacaabay ilaa inta uu xilka kala wareegayo. Waxa fadeexad ku noqotay xukuumada in mar horeba xil u magacaydo agaasime sidan oo kale u dhaqmaya oo u baanaya shaqaalihii wasaaarada kuna bootaynaya dalkan ka teliyaan xunbo ay isku qoys yihiin. Xitaa muu ixtiraamin oo garawsan inay shaqaaluhu u wataan shaqadoodii sidii caadiga ahayd wasiirkuna xilwereejin samayn doono oo uu ku diyaarin doono xafiiskiisa. Muu garan in warqadii uu Wasiir Baashe Xilka kaga joojay ay sideedii u socon doonto.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here