Akhri Siciid Afweyne oo soo bandhigay qoraal shaki ka dhex abuuray beesha Maxamuud Garaad oo Somaliland wax ugu qabatay

0

Siciid Maxamed Cilmi Siraadle oo ka mid ah baarlamaanka Somaliland ayaa Qoraal furan oo uu u diray madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo kusoo bandhigay waxqabad balaadhan oo Somaliland u qabatay degaanka iyo beesha uu qabiil ahaan kasoo jeedo ee Maxamuud Garaad taas oo uu kaga jawaabayey tabasho waxqabad oo beeshu dhowaan u jeedisay Maamulka Somaliland. Xildhibaan Siciid wuxuu madaxweyne Siilaanyo ka codsaday in uu u cadaalad sameeyo beelaha Dhulbahante iyo degaanadooda. Shaxdan waxqabad ee Siciid soo bandhigay ayaanay ka warqabin dad badan oo beesha Maxamuud Garaad kasoo jeedaa, waxaana qaarkood is weydiinayaan ama tuhun ka galay in Maxamuud Garaadnimadii Soomaliland wax lagaga doonayey la isku khiyaameeyey haddii sida uu qoraalka ku sheegay dhab tahay. Qoraalka uu soo bandhigay Siciid Maxamed Cilmi ayaa u qornaa sidatan:- JAMHUURIYADDA SOMALILAND                             GOLAHA WAKIILADA KU: MADAXWEYNAHA JSL March 28, 2017 Ujeeddo: Warqad Furan – MAHADCELIN Mudane Madaxweyne, Marka hore Salaan kal iyo laab ah adiga, xubnaha Xukuumadda iyo dhammaan inta uu qoraalkaygani cod ahaan, qoraal ahaan ama muuqaal ahaanba u soo gaadho. Mudane, anigoo Wakiil ka ah kuna hadlaya codka inta ay midayso aragtida saldhigeedu yahay is xurmaynta, cadaaladda, xisaabtanka iyo abaal celintu waxaan qoraalkaygan kuugu soo qoray si aan u guto waajibaad wadaninimo, dadnimo iyo islaamnimo oo aan yaqiinsaday in laga leexleexday ama, kaba sii darane, la leexiyey. Mudane waxaan saxaafadda dhowaan ku arkay koox sheegatay magaca beesha aan ka soo jeedo ee Maxamuud Garaad oo lagu dafirayo tallaabooyinkii waxqabadka ahaa ee aad sida hagar la’aanta ah ugu qabatay dadka iyo degaanada beeshaasi. Mudane Madaxweyne, waxaan garawsan waayey qayladan iyo qawadkan Hargeysa laga dhoofiyey ee canka loo geliyey odayaal Laascaanood lagu ururiyey. Waxaa murugo leh in iyadoo aynu xogogaal u nahay sida aan kala hadhka lahayn ee Madaxtooyada Somaliland isaga xil saartay la xaajoodka, dib u dhiska iyo xil-ku-taxidda ardaagayga in haddana raggii loo igmaday inay xukuumadda iyo beesha xidhiidhiyaan Laascaanood ka abaabulaan shirar dadweynaha lagu kala qaybinayo, xukuumaddana colaad loogu gelinayo. Mudane Madaxweyne, waxaan hoos ku soo taxay intii aan ka haleeli karayey waxqabadka iyo Xilalka ay xukuumadaadu u hibeysey beeshayda oo aan u kala qaaday laba waaxood oo kala ah: Muddadii ka dambeysey Shirkii Awrboogays oo ka kooban magacaabista laba [2] degmo, 19 Xil dawladeed, derejo-siinta 35 sarkaal oo cusub oo uu ku jiro hal Janaraal, iyo fulinta 15 Mashruuc Horumarineed, iyo Muddadii ka horeysey shirkaasi balse aad adigu xilka qaranka haysey oo aad bixisay magacaabista Hal [1] Gobol, shan [5] degmo oo cusub, 40 xil dawladeed, iyo derejo-siinta 28 Sarkaal oo ay ku jiraan laba Janaraal. Waxaa ujeedada rasmiga ah ee qoraalkaygani daarran yahay inaan beeshayda ka xijaabo laba naanaysood oo xunxun oo na qabsan kara haddii aan hadalkaas xanafta lahaa ee kooxdaas laga jawaabin. Ta koowaad waa naanaysta loogu yeedho cidda ama qofka ka arradan aabaal gudista, ta labaadna waa naanaysta loogu yeedho dadka ama qofka aanay jirin wax deeqaaba [ama uu ku qancaaba]. Mudane, adigoo liisaska hoose akhrisan doona, waxaan ku xusuusinayaa inaanay jirin degaanada kale ee beesha Dhulbahante wax kale oo sidaa u muuqda, haba yaraatee, oo laga qabtay. Anigoo xeerinaya cadaaladda, wax wada lahaanshaha iyo wada noolaanshaha, waxaan kuu soo jeedinayaa inaad iga oggolaato in xukuumaddu u soo jeesato horumarinta iyo saami-siinta degaanada kale ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle. Xilalka iyo derejooyinka xukuumaddu siisay beesha Maxamuud Garaad wixii ka dambeeyey Shirkii Awrboogays: 1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha 2. Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada 3. Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda 4. Abaanduulaha Ciidanka Qaranka 5. Derejosiinta 35 Sarkaal oo ahaa hore u ahaa Ciidan Beeleed 6. Guddiga Qiimaynta Derejosiinta Ciidamada, Xubin 7. Guddoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Maamul Wanaagga 8. Ku Xigeenka Ambaasadoorka Kenya 9. Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirada 10.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dalxiiska 11.Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda 12.Agaasimaha Guud Hayádda qandaraasyada Qaranka 13.Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool 14.Isuduwaha Wasaaradda Dalxiiska 15.Isuduwaha Wasaaradda Warfaafinta 16.Xoghayaha Maamulka ee Degmada Laascaanood 17.Agaasimaha Waaxda Shidaalka ee Wasaaradda Macdanta 18.Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye 19.Magacaabista Degmada Shaxda 20.Gudoomiyaha Degmada Shaxda 21.Gud Ku Xigeenka degmada Shaxda 22.Xoghayaha Degmada Shaxada 23.Magacaabista Degmada Adhicadeeye 24.Hawlgelinta iyo shaqo siinta Ciidamo Boolis ah oo loo qoray degmooyinka Gobolka Xaysimo, Awrboogays iyo Xuddun. 25.Qalabaynta [oo ay ka mid yihiin gaadiid cusub] Ciidamada aagga Nugaal. 26.Ka hawlgelidda gurmadka abaaraha Barnaamijyada Horumarineed ee degaanada Maxamuud Graad laga yagleelay muddadii ka dambaysey Shirkii Awrboogays waxaa ka mid ah: 1. Guriga Gobolka Xaysimo 2. Qaybta Booliska Gobolka Xaysimo 3. Saldhigga Booliska Taleex 4. Qalabaynta Dugsiga Sare ee Carrooley 5. Dhammaystirka Dugsiga Hoose/Dhexe ee Laasacurdin 6. Saldhigga Booliska Awrboogays 7. Guriga Maamulka Degmada Awrboogays 8. Saldhigga Booliska Fiqifuliye 9. Guriga Maamulka Degmada Fiqifuliye 10.Ceelka Biyaha Kacaya 11.Ceelka Biyaha Ardaa 12.Ceelka Lafaweyne 13.Ceelka Biyaha Jiidali 14.Ceelka Biyaha Adhicadeeye 1 15.Ceelka Biyaha Adhicadeeye 2 Muddadii ka horeysey Shirkii Awrboogays waxay Xukuumaddaadu [Adiga, Wasiirada iyo Taliyayaasha Ciidamadu] Beeshan Maxamuud Garaad u magacaabeen [kuma jiraan xilalkii la magacaabay ee aan hadda jirin]: 1. Wasiirka Wasaaradda Biyaha 2. Derejosiinta 28 Sarkaal oo ay ku jiraan laba [2] Janaraal 3. Komishanar, Guddiga Xuquuqal Insaanka 4. Guddiga Diiwaangelinta Ururada, Xubin 5. Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Sanaag 6. Isuduwaha Wasaaradda Waxbarashada Gobolka Sool 7. Isuduwaha Wasaaradda Beeraha Gobolka Sool 8. Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka iyo H. R. Miyaga Gobolka Sool 9. Isuduwaha Wasaaradda Madaxtooyada Gobolka Sool 10.Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Sool 11.Isuduwaha Wasaaradda Duulista Hawada Gobolka Sool 12.Isuduwaha wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Gobolka Sool 13.Isuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Gobolka Sool 14.Isuduwaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Gobolka Sool 15.Isuduwaha Wasaaradda Biyaha Gobolka Sool 16.Isuduwaha wasaaradda Macdanta Gobolka Sool 17.Isuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Gobolka Sool 18.Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Sool 19.Isuduwaha Nabadaynta Gobolka Sool 20.Mareeyaha Samafalka Gobolka Sool 21.Gobolka Sanaag: 3 Isuduwe Gobol 22.Magaacaabista Gobolka Xaysimo 23.Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo 24.Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Xaysimo 25.Xoghayaha Gobolka Xaysimo 26.Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Xaysimo 27.Magacaabista Degmada Awrboogays 28.Gudoomiyaha Degmada Awrboogays 29.Gud Ku Xigeenka degmada Awrboogays 30.Xoghayaha Degmada Awrboogays 31.Magacaabista Degmada Xalin 32.Gudoomiyaha Degmada Xalin 33.Gud Ku Xigeenka degmada Xalin 34.Xoghayaha Degmada Xalin 35.Magacaabista Degmada Sarmaanyo 36.Gudoomiyaha Degmada Sarmaanyo 37.Gud Ku Xigeenka degmada Sarmaanyo 38.Xoghayaha Degmada Sarmaanyo 39.Magacaabista Degmada Carrooley 40.Gudoomiyaha Degmada Carrooley 41.Gud Ku Xigeenka degmada Carrooley 42.Xoghayaha Degmada Carrooley 43.Magacaabista Degmada God Aalo 44.Gudoomiyaha Degmada God Aalo 45.Gud Ku Xigeenka degmada God Aalo 46.Xoghayaha Degmada God Aalo GEBAGEBO: Mudane Madaxweyne, mahad oo dhan Eebaa leh. Waxaan marlabaad kaaga mahad celinayaa waxqabadka la taaban karo ee aad ku meelmarisay heshiisyadii Awrboogays iyo Adhicadeeye, sidoo kalena waxaan u mahad celinayaa Wasiirka Madaxtooyada JSL, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo isagu xil gaar ah iska saaray sida ummaddan ehelka ahi isu fahmi lahayd una wada shaqayn lahayd, iyo sidoo kale xubnaha xukuumaddaada, madax dhaqameedka iyo dadweynaha kal duwan ee siyaabaha kala duwan uga qayb qaatay hawshaas ballaadhan ee aad ku meelmarisey heshiisyadii degaankayga. WA BILLAAHI TAWFIIQ Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle] Golaha Wakiilada JSL Hargeysa HALKAN KA AKHRISO IYADOO SAXEEXAN OO PDF AH: Akhriso waxqabadka Maxamuud Garaad ee Somaliland]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here