Akhriso: Magacyada Guddiga Qiimeynta xaalada maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe

0

War saxaafadeed shalay ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa wal wal looga muujiyay xaalada ka jirta Xabsiga dhexe. Madaxweynaha ayaa guddiga uu u saaray ka dalbaday inay si deg deg ah warbixin qiimeyn ah ka soo sameeyaan xaalada ka jirta xabsiga dhexe, tirada maxaabiista xukuman, kuwa xukun sugayaasha ah, tiradooda, fal dambiyedyada ay galeen, maxkmadaha xukumay. Xubnaha Guddigan oo dhamaantood ah sharci yaqaano iyo qubaro ayaa waxay marka ay qiimeyn ku sameeyaan xabsiga waxay, waxay warbixin ku celin doonaan Madaxweyne Farmaajo. Magacyada Guddigan waxay kala yihiin sidan:- 1- Dr C/qaadir Maxamed Muuse (Xeer Ilaaliyahii hore ee Qaranka 2- Mukhtaar Nuur (Garsoore ka tirsan maxkamadda racfaanka 3- Dr Tahliil Xaaji Axmed (Qareen) 4- Maryan Nuur Maxamed (Kaaliyaha xafiiska La taliyaha sharciga ee madaxweynaha)   Goojacade.com Muqdisho-Soomaaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here