Akhriso Masuuliyiinta ku dhintay, dhaawacmay ama laga badbaadiyey qaraxii Hoteel Saxafi (Sawirro)

0

ina la ogyahay Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay 28 kalana way ku dhaawacmeen qaraxyo iyo rasaasayn xoog leh oo ka dhacay hoteelka Saxafi ee ku yaallla bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Weerarkan ayaa bilowday subaxnimadii hore ee saaka kaddib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay albaabka hore ee hoteelka, dabadeedna koox hubaysani oo ka tirsan Alshabaab weerar ku qaadeen, sida ay sheegteen. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Gaashaan ayaa iminka soo afjaray weerarkii, iyadoo ay u suuragashay inay Hoteelka ka dhameeyaan raggii soo weeraray, waxaana ciidamada ay bad-baadiyeen dad Hoteelka gudihiisa ku xanibnaa oo Siyaasiyiin iyo Saraakiil ciidan isugu jiray. Waxaa soo baxaya Musuuliyiin weerarkaa ku dhintay, qaar ku dhaawacmay iyo kuwo la soo badbaadiyey waxaana ka mid ah DADKA DHINTAY 1-Xildhibaan Abtidoon Koofi 2-Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Generaal C/kariin Yuusuf Dhagabadan 3-Milkilihii Hotelka Saxaafi C/rashiid Shirre Ilqeyte. 4-Wariye Mustaf Shafaana oo Kaamiro Man u ah Tv-ga Al-jaziira. DHAAWACA 1-General Gacmo Duule 2-Abaandulaha Cusub Ee Ciidamada Xoogga Dalka 3-Waxa uu dhaawac firir ah soo gaaray Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyada Generaal Gaafow DADKA LASOO BADBAADIYAY 1-Maxamad C/yuusuf 2-Xildhibaan Sandheere 3-Xildhibaanad Suuri 4-Xildhibaan Sacdiyo 5-Xildhibaan Qaloocoow, iyo Culumaaudiin uu ka mid yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Warkan oo hordhac isbedel ayaa ku imaan kara run ahaan shihiisa. [gallery td_gallery_title_input="Qarax Saxafi" columns="4" ids="3971,3972,3973,3974"] ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here