Akhriso sida xildhibaanada beesha dhulbahante musharixiinta ugu kala codaynayaan.

0

MUQDISHO- Wararka laga helayo arimaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in ay qabsoonto maalinta berito ah oo ku beegan 08/02/2017 ayaa sheegaya in wakhtigan inta badan la ogyahay musharixiinta ay u kala codaynayaan xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada beesha DHULBAHANTE ee Puntland metela ayaa ka mid ah xildhibaanada ay cadahay musharixiinta ay u kala codayn doonaan doorashada madaxweynaha ee berito dhacaysa. Akhriso sida ay musharixiinta ugu kala codaynayaan. XASAN SHIIKH MAXAMUUD 1. Xil Daa’uud Maxamed Cumar 2. Xil Axmed Ismaaciil Shabeel 3. Xil Canab Xasan Cumar 4. Xil Hodan Maxamuud Cismaan CUMAR C/RASHIID CALI SHARMA’ARKE 1. Xil Cali Axmed Jaamac Jengeli 2. Xil C/laahi Bidhaan Warsame 3. Xil C/salaan Xaaji Maxamuud Dheere SH. SHIRIIF SH. AXMED 1. Xil Axmed Maxamed Axmed Dubeys 2. Xil Sharma’arke Garaad Saleebaan Buraale MAXAMED C/LAAHI FARMAAJO 1. Xil Igraan Yuusuf Xirsi inta badan Xildhibaanadan kor ku qoran ayaa kasoo mid noqoshadoodii baarlamaanka labada aqal kharash xoog leh lagaga qaaday musharax madaxweyne Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke walow ay shaxda ka muuqato in 3 Xildhibaan oo keli ahi u codayn doonaan. Qorshaha Xildhibaanadani codadkooda ugu kala qaybieen musharixiinta kor ku xusan ayaa wararku sheegayaan in koox codadka Xildhibaanadan dilaaliin ka ah oo qaabkan u sameeyeen. Taas oo ay uga gol leeyihiin in lagu qanciyo musharixiin badan oo lacago lagaga qaatay codadka 10 ka Xildhibaan ee kor ku qoran iyo in afartaas musharax ee kor ku qoran kii guulaystaba ay ku yiraahdaan WAANU KULA JIRNAY WAANA KU DHAARANAYNAA.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here