Akhriso:WARAABE GAAJAYSAN OO WEERAR KU QAADAY DHALINYARO SAMAFALAYAAL AH OO DEEQ RAASHIN AH UQEYBINAAYAY REER GUURAA XOOLIHII KA BAXEEN IYO DHAAWAC UU WARAABUHU GAYSTAY+DAAWO SAWIRADA

0

Dhahar(Goojacade.com)-Wiil Lagu magacaabo Dibbad Faarax Maxamed oo kamida dhalinyarada ka shaqaysa gurmadka abaaraha ee degmada dhahar ayaa saaka dhaawac fudud uu ka soo gaadhay kadib markii Waraabe Gaajaysan ama baahiyi Haysaa Weerar ku soo qaaday qoysas danyar ah oo xoolihii ay dhafeen.kuwaasoo la soo dajiyay aaga magaalada Dhahar ee Gobolka Hayland. Waraabaha ayaa gacanta ku dhagay Dibbad Xilli uu raashin ka qaybinayay goobtaasi, waxaana ka fujiyay dhalinyaradii kale ee la socotay, kuwaasoo markii danbe waraabaha Gaadhi marsiiyay sidaasna uu waraabihii hororka ahaa ku dhintay. Axmed Deeq Wariyaha Somalicable ee dhahar ayaa sheegay inay jirto cabsi wayn oo dhanka waraabaha ah, kadib markii abaartu ay xoolihii baabi’say. Ninkaan waraabuhu dhaawacay ayaa gar-gaar caafimaad oo deg deg ah la siiyay, maadaama dadka qaar ay sheegayaan in waraabuhu uu sumaysnaa, halka dad kale ay tilmaameen in abaartu ay keentay in waraabuhu dadka soo weeraro markii xoolihii ay yaraadeen.

qqqpuntlandfast-com   Goojacade.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here