AL-SHABAAB OO DAD USOO QABQABTAY QORSHIHII LAGU DILAY TALIYAHOODII GOBOLKA GEDO

0

GEDO, Dagaaliyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa Degaanka Tuulo barwaaqo ee Gobolka Gedo ka watay ilaa 15-ruu oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ay ku sheegeen inay ka qeyb qaateen Qorshaha lagu Dilay Taliyihii Al-Shabaab ee Gobolka Gedo Cabdulaahi Qanaas oo lagu Dilay Degaankaasi, Wararka ayaa tilmaamaya inay Al-Shabaab Dabagal ku hayaan qaabka lagu dilay Taliyahoodii Gobolka Gedo iyadoo ay Degaano ka tirsan Gedo ku Weerareen Shaqsiyaad kala duwan oo ay ku jiraan Ganacsato kuwaasi oo ay ka wateen Goobaha ay joogeen, lama oga halka ay la aadeen dadka ay Xireen Al-Shabaab waxaase lagu soo waramayaa inay wadaan talaabooyin kala duwan oo ka dhashay Dilkii Taliye Cabdulaahi Qanaas iyadoo aysan Al-Shabaab helin meydka Sarkaalkaasi,]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here