Al Shabaab oo gudaha u galay dalka Kenya calanka madowna ka taagay

0

Saraakiisha booliska ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab ay gudaha usoo galeen deegaanka Kambere oo qiyaas dhan 15 km u jira magaalada Gaarisa. Dadka deegaanka ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ay la hadleen dadka deegaanka, iyagoo aad u hubeysnaa. Al-Shabaab ayaa markii labaad todobaad gudihiis gudaha u galay deegaan ka tirsan gobolka waqooyi bari Kenya, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada ay aad u hubeysan yihiin, dadkana ay u wacdinayaan. Al-Shabaab ayaa deegaanada ay gudaha u galeen ka taagay calan madow, sidoo kale waxay dadka uga digayeen inay la shaqeeyaan ciidamada Kenya, isla markaana aanay u sheegin inay joogaan. Ciidamo fara badan oo ka tirsan milateriga Kenya ayaa lasoo dhoobay xuduuda Kenya iyo Somalia si ay ugu hortagaan dagaalyahanada kasoo gudbaya xadka Somalia.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here