Al-shabaab oo saaka laga wareegay gacan ku haynta degaanka Camaara ee gobolka G/gaduud

0

Ciidamo taabacsan maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramaya iney saaka dib ula wareegeen degaanka Camaara ee gobolka Galgaduud halkaasoo todobaadkii hore gacanta u gashay xoogaga Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in degaanka uusan wax dagaal ah ka dhicin, ciidamada Galmudugna ay si amaan ah kula wareegeen markii xoogaga Al-shabaab ay baneeyeen halkaas. Degaanka Camaara ayaa hadda degan, iyadoo ciidamada maamulka Galmudug ee halkaas gaarayna ay wadaan howlgalo baaritaano ah sida dadka degaanka sheegayaan. Lama oga ill hadda halka ay aadeen xoogagii Al-Shabaab ee ka baxay degaankaa Camaarra, maamulka Galmudugna kama hadlin howlgalka ay degaankas kula wareegeen ciidankooda.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here