Al-shabaab oo sheegtay in ay hayaan Ciidan Amisom ah oo ay ku qabteen Janaale

0

Kooxda Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday inay acanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda oo ay ku qabteen Weerarkii janaale ee dhawaan ay qaadeen. Cabdul Casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka hawlgalka Kooxda Alshabaab ayaa sheegay inay hayaan ciidanka oo ku qabteen weerarkii Janaale, waxaana intaas uu raacshay in dhawaan ay soo bandhigayaan. Warbaahinta Kooxda Alshabaab ayaa qoraysa in ciidanku haatan ay caafimaad qabaan kuna jiraan xabsiyo ay maamulaan Ciidanka Alshabaab. Inkastoo ururka Alshabaab uu faafiyay inay hayaan ciidamo balse ma soo bandhigin muuqaalo ama sawirada ciidamada ay ku qabsadeen dagaalkii tobaadkii la soo dhaafay ka dhacay Janaale. Kooxda Alshabaab ayaa Malamihuu ugu dambeeyay kor uqaaday weerarkooda, iyagoona dib u qabsaday deegaano horay gacantooda uga baxay kuwaas oo ka kala tirsan Gobolada Shabeelada Hoose & Hiiraan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here