Al Shabaab oo sheegtay inay 47 ruux ku dileen weerarkii Nairobi

0
Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay tirada dadka ay ku dileen weerar gelinkii dambe ee maanta ka dhacay xaafadda Westland ee magaalada Nairobi.

War qoraal ah oo Al Shabaab soo saareen ayaa lagu shaaciyey in weerar ka dhacay Hotelka ku yaala magaalada Nairobi ay ku dileen 47 ruux oo ku sugnaa gudaha Hotelka.

Qoraalka ayaa lagu  sheegay in meydad badan ay daadsan yihiin goobta weerarka ay ku qaadeen, balse qoraalka Al Shabaab laguma cadeyn tirada dadka weeraray hotelka DusitD2.“Dhimashada ka dhalatay weerarka ka dhacay magaalada Nairobi sida macluumaadka hordhaca ah aan ku haleynayo waa 47 qof, meydad badan ayaa daadsan halka weerarku ka dhacay wixii faah faahin ahna dib ayaan kasoo sheegi doonaa”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here