Allaylehe Uma Ekayn Booqashadi Galeydh ee Higlo-Ka dhaac Mid Nabadgelyo Qeyb-qadaasho{Maqal}

0

  Dhacdadan Barkulanada Lagaga Doodayo Ee Ku Saabsan Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Ee Prof Cali Khaliif Lagaga Soo Celiyey Deegaanka Shaqaaqadu Ka Dhacday Ee Wada Hadalka Gebogebeda Ahi Uga Socdo Beelaha Ehelka Iyo Oodwadaagtuba Ka Dhaxayso, kaasoo Ay Ku Jiraan Waxgarad Bulshada Qaybaheeda Ka Kooban Oo Ay Hormuud Ka Yihiin Madaxda Dhaqanku. Hadaba Bal Aan Dhinacyo Badan Iska Taago Anigoo Qaba Inaanay U Ekeyn Xilligan Madaxweynuhu Inuu Booqdo Goobtaa Dabcan Ku Dhawaaqista Go’aanka Haa Anigoo Cuskanaya Qodobadan.

1. Madaxweynuhu Isaga Ayaa Dhaqanka Khudbadiisii Ku Canaantay In Ay Shaqadoodii Tahay Loona Baahan Yahay Inay Tagaan Oo Galaan Hawshaas U Taalla Higlo Ka Dhacday, Isagoo Ka Durkinaya Doorka Siyaasadeed Ee Ay Muujiyeen Inaanay Ku Qanacsanayn Wadahadalka Madaxweynaha Maamulkiisu La Fureen Somaliland, Goobtan Nabadeyntana Ay 5 Isim Ku Sugan Yihiin Oo Dhamaantoodna Aanay Jirin Meel Heshiis Iyo Wadahadal Ku Dhex Maray. 2. Madaxweynuhu Shaqaaqooyin Hore Oo Dhexmaray Beesha Qayaadeed iyo Bahararsame Iyo Kuwa Kale Oo Dhinaca Majeerteenkaba Dhexmaray Tegis Daayoo Xitaa Kama Hadal Ilaa Gunaanadkii. 3. Madaxweynuhu Isagaa Khudbadihiisii Dhawaan Ku Sheegay In Ciidanka Balicad Iyo Saaxdheer Ku Sugani Inay Yihiin Ciidan Khaatumo. 4. Madaxweynuhu Waxaa Ah Markhaati Ma Doon Ah In Haddii Uu Goobtaa Tago Ay Ciidamada Somaliland Imaanayaan, Xaajadan Beelaha Ee Nabadeyntooda Lagu Dhex Jiraana Noqonayso Mid Lagu Kala Kaco,Isagoo U Muuqda Xiligan Tilmaan Toosh U Ah Somaliland Soo Raacdo, Mana Jirto Sida Looga Bartey Awood Ciidan Iyo Mid Dhaqaale Oo In Laga Difaaco Uu Kaga Qayb Qaadanayo. 5 Madaxweynuhu Isagaa Khudbadiisa Ku Sheegay Haddii Arintaasu Tahay Ta Sahayatay, In Ay Somaliland Soo Degi Doonto Higla Ka Dhacday. 6. Madaxweynuhu Muddo Dheer Oo 2 Bilood Gaadha Oo Ay Arrintan Beeluhu Maraysay Meel Laga Qabto Ma Tilmaamin Iskuma Hawlin Iyadoo Xitaa Ay Dhacday In Ciidamo Somaliland Ahi Ay Yimaadeen Goobta Kamana Hadlin,Xitaa Waxay Ahayd Door U Furan Maalintii Ay Xabadu Wakhtiga 6 Saacadood Gaadha Ka Socotay. NB; Marna Kama Tegin Madaxweynaha, Dhaliishuna Turxaan Maaha Ee Waa Toosin.
Qora:-Wariye Faysal Axmed Kaarshe Daabiciida Qoraalkana waxaa Iska Leh Boog Wareedka Goojacade.com Goojacade.com Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here