Alle-tuugmo Garaad Saleebaan lagu habaarayo oo Muqdisho lagu qabtay

0

Sida uu soo tebiyey goobjooge lagu kalsoon yahay, waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay munaasibad ay soo abaabuleed kooxda Cali Khaliif Galaydh, taas oo lagu habaarayey Garaadka Guud ee Sool iyo Sanaag Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo hada ku sugan muqdisho, isagoo dhaqso ugu bixi doona baaris caafimaad oo dalka dibadiisa ah. Shirkan oo lagu qabtay mid ka ah Hoteelada Xamar ayaa markii hore lagu sheegay in Cali Khaliif uu ku martiqaaday Garaadka iyo Odayaal la socday, laakiin Garaadka iyo dadkii la socday ayaa ka warhelay in martiqaadku uu yahay shirqool la doonayo in lagu khaarajiyo Garaadka, dabadeedna way ka baaqsadeen. Markii Garaadka iyo Guurtidii la socotay imaan waayeen ayaa shirkii waxaa ka kacay mid ka mid ah ragii soo abaabulay shirka oo dadweynihii ka codsaday INAY ILAAHAY UGA BARYAAN IN GARAAD SALEEBAAN OO XANUUNSANAYA OO BAADHIS CAAFIMAAD DALKA DIBADIISA LOOGU QAADAYO AANU KU SOO NABAD CELIN. Goobta waxaa fadhiyey Cali Khaliif Galaydh oo habaarka ka bacdi Khudbad ka jeediyey. Warka Xamar yaala ee xuuraanka ah ayaa sheegaya in Garaadka la doonayey in la sumeeyo, taasoo laga warhelay, uuna ka baaqsaday. Shirqoolada noocan ah ayaa waxaa loo xilsaaray inay fuliyaan xubno waqtigii burburkii oo dhan Xamar ku sugnaa oo xirfad dheer u leh sida dadka loo khaarajiyo. Garaadka waxaa caqabad u arka Cali Khaliif iyo wixii taageersan, kuwaas oo ku diiday inuu ku raaco khaladka iyo fitnada ay degaanada ka wadaan. XIGASHO: www.xaysimo.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here