Alshabaab oo deegaanka Biyo Cadde Sh/dhexe ku toogtay nin dhalinyaro ah

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay ay saqdii dhexe kala baxeen gurigiisa mid kamid ah dadka deegaanka kadibna ku toogtay duleedka deegaanka Biyo Cadde. Ururka Alshabaab ayaa isaga baxay khamiistii aynu ka soo gudubnay deegaanka Biyo Cadde iyadoo halkaa ay la wareegeen ciidamo AMISOM iyo kuwa dowlada. Ninka la diley oo ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka aad looga yaqaan ayaa ururka Alshabaab waxa ay ku eedeeyeen in uu gacan saar la lahaa ciidamada dowlada. Ciidamada AMIOSM iyo kuwa dowlada ayaa ka degey deegaanka Biyo Cadde hareeraha deegaanka iyadoo xilliyada habeenkiina ay maleeshiyaad ka mid ah Alshabaab si dhuumaalaysi ah ku soo galaan. Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowlada ee la xiriira dilka loo geystey ninkan dhalinyarada ah. Ururka Alshabaab ayaa ugaga digey shacabka ku nool deegaanka Biyo Cadde inay wax xiriir ah la sameeyaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMIOSM iyagoo ugu hanjabay inay dilayaan ciddii ay ku ogaadaan inay la shaqeynayaan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here