Alshabaab oo sheegtay in ay Madaafiic ku garaaceen Xarunta Xalane

0

Xili maanta dhawaqa wax u eg madaafiic laga maqlay qeybo kamid ah magaalada muqdisho ayaa waxaa jiro faafaahino soo baxaya. Dad ku sugan qeybo kamid ah degmada Wadajir ee gobolka banaadir ayaa sheegay in ilaa dhow jug maanta ay maqleen islamarkaana ay uala ekaayeen madaafiic lagu tuuriyay xarunta xalane oo ay degen yihiin ciidamada AMISOM. Al-shabaab ayaa war ay goordhwo soo saareen waxa ay ku sheegeen in madaafiic ay maanta ku garaaceen xarunta talis ee ugu weyn oo ay degen yihiin ciidamada AMISOM. Warka al shabaab ayaa sidoo kale waxa ay ku sheegeen in madaafiicda ay gudaha u galeen xarunta taliska ciidanka AMISOM ee xalane. Dhinaca kale waxaa ilaa hatan jirin qasaare soo gaaray dadka shacabka ah ee degan xaafadaha ku xeeran xarunta xalane.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here