Alshabaab oo sheegtay iney 70 askari ku dishay xerada ciidanka ee Laanta buuro

0

Afhayeenka howlgalada ee Al-Shabaab Shiikh C/Casiis Abu Muscab ayaa sheegtay in weerarkii xalay ka dhacay degaanka Laanta Buuro ee Gobolka Sh/hoose ay ku dileen illaa 70 askari oo ciidamada dawlada Soomaaliya ka tirsan. Abu Muscab oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters ayaa intaa ku daray in weerarka ay dhawr jiho ka qaadeen ayna ku dileen inta badan askarii xerada Laanta buuro ku sugneyd sida uu yiri waxaana uu xusay inay qaateen gaadiid dagaal oo xerada yiilay. Todoba gaari iyo saanad ciidan oo xerada yaalay ayuu sheegay Abu Muscab inay qaateen waxaana uu intaa ku daray inay ka tageen hal gaari oo weyn oo gubtay sida uu yiri. Afhayeenka Al-shabaab sooma hadal qaadin khasaaraha dhinacooda soo gaaray dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowlada ayaan illaa hadda war ka soo saarin weerarka xalay ka dhacay laantaa Buuro.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here