Alshabab oo qirtay in 16 Askari looga dilay dagaalkii ay saaka ku qaadeen Halgan

0

War ka soo baxay Ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay dagaalyahanada Al-shabaab in ay xaqiijinayaan geerida 16 Askari oo ka mid ahaa ciidamadii weeraray deegaanka Halgan. 16-Askari ee la dilay ayaa dilkooda wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Itoobiya ay ugu galeen Tog weyn oo ku yaalo deegaanka Halgan, xilli ciidamo ka cararay Saldhiga Ciidanka AMISOM ay halkaasi galeen, kadibna 16 Askariga ay uga dabagaleen oo Shabaabka ka tirsan, halkaasina lagu dilay. Tirada Askarta Al-shabaab ay qirteen in laga dilay ka sokoow, waxa ay Al-shabaab sheegeen in ay dileen ku dhawaad 60 Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM. Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in hada deegaanka Halgan ay ku sugan nyihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Ururka Al-shabaab ayaa horey weeraro noocaan oo kale ah waxa ay ugu qaadeen Saldhigyo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Gedo, Shabeelaha Hoose kuwaasi oo kala ahaa weerarkii Ceel cadde, weerarkii Janaale iyo Weerarkii Leego.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here