AMISOM oo 5 qof shacab ah ku dishay duleedka magaalada Jowhar

0

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay Dad Shacab ahaa ku Dileen Degaan Duleed ka ah Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe. Dilkan ayaa waxu ka dhacay Degaan lagu magacaabo Dhuldoog oo qiyaas ahaan 15Km dhanka Galbeed uga beegan Magaalada Jowhar, iyadoona aan la ogeyn sababta ka dambeysa Dilkaasi. Goobjooge ayaa xaqiijiyay in 5 Ruux oo ay ku jireen Caruur ay ku dhinteen Rasaas Ciidamada AMISOM ay ku fureen Dad reer miyi ah oo ku sugnaa Duleedka Magaalada Jowhar. Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaaa tacdiyo ka dhan ah Xuquuqul Insaanka, iyadoona xusid mudan in Ciidamada AMISOM ay dhawaan Dad Shacab ahaa ku laayeen nawaaxiga Degaanka Buulo-mareer ee Gobolka Sh.Hoose.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here