AMISOM oo bedeshay Taliye ku-xigeenkii Ciidamada AMISOM ee Somaliya jooga

0

Hawgalka Midawga Afrika Amisom ee Somalia ayaa badel ku sameeyay taliye ku-xigeenkii ciidamada AMISOM Mohammedesha Zeyinu Kaasi oo dhamaystay muddo hal sano iyo bar oo uu ka shaqaynayay Somaliya. Maj. Gen. Zeyinu,oo masuulka ahaa hawgalada iyo qorshaynta hawlaha ciidanka ayaa ku wereejiyay xilkii uu hayay Gen. Abreha Tesfay,kaas oo lawereegay masuuliyadii ilamarkaana loo magacaabay in uu noqdo taliye ku xigeenka cusub. Xaflad kooban oo lagu qabtay xarunta AMISOM ee Somaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil sar sare oo uu ka mid yahay taliyaha ciidamada AMISOM Lt. Gen. Osman Noor Soubagleh, taliye ku xigeenka dhinaca saadka u qaabilsan ciidamada iyo saraakiil kale. Taliyaha hore Maj. Gen. Zeyinu,oo munaasabada ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay shaqadii uu sooqabtay islamarkaana uu siwanagsan ula shaqeeyay hawgalka, waxaana intaas ku daray in uu qibrad ka helay intii uu hayay hawlaha loo igmaday ee uu ka shaqaynayay Somaliya. Taliye ku xigeenka cusub oo asna goobta kahadlay Maj. Gen. Tesfay ayaa waxaa uu ammaanay hawsha uu qabtay taliye ku xigeenkii ka horeeyay oo uu sheegay in uu door ku lahaa wiiqitaanka Al shabaa.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here