Ciidamada ka tirsan hawlgalka Amisom ee jooga Soomaaliya ayaa saaka galay magaalada Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose, kadib markii ay Alshabaab ka tageen markii ciidamada ay u soo dhawaadeen magaalada. Ciidamada Amisom ayaa dhowrkii maalmood ku dhawaanayay Janaale oo ay sanadkii hore isaga baxeen, kadib markii ay weerareen Alshabaab xero ay ku lahaayeen Janaale ciidamada Uganda. Lama sheegin wax qasaare ah oo ka dhashay qabashada Amisom ee Janaale. Dhinaca kale, ciidamo aan la aqoonsan oo wata dhowr diyaaradood ayaa xalay saqdii dhexe hawlgal gaar ah ka fuliyay deegaanka Beerxaano. Deegaanka Beerxaano ayaa qiyaastiii konton kilometer u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose waxaana haysata Alshabaab.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.