Arrimaha aadka xasaasiga ah ee hindise sharciyeedka doorashooyinka Soomaaliya

0

Muddo dheer ayaa laga warsugayay hindise sharciyeedka doorashooyinka Soomaaliya, ugu dambeyntiina shalay ayaa la hor geeyay golaha wasiiradda Soomaaliya oo isla markiiba ansixiyay.

Balse ka hor inta uusan baarlamaanka gaarin si akhrin iyo cod loo galiyo, waxaa durba hareeyay buuq badan iyo cabashooyin laga qabo sharcigan.

Muddo Kororsi

Iyada oo bilihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay muddo kororsi la sheegay in madaxda dowladda federaalka ay ka fikirayaan, ayaa qodobka 56-aad ee hindise sharciyeedka cusub lagu arkay isla arrintan.

Qodobka ayaa waxa uu si qayaxan u caddeynayaa in haddii ay dhici weyso doorashada xildhibaanada baarlamaanka duruufo soo kordhey awgood, in waqti kororsi loo samaynayo baarlamaanka .

Farqada 7-aad ee isla qodobkan ayaa si cad u sheegaya in haddii baarlamaanka muddada loo kordhiyo, in madaxweynahana ay sidaas isla mudadaasi ugu kordheyso xilheynta madaxweynaha jamhuuriyadda.

Dowlad goboleedyada iyo xisbiyada

Waxaa sharcigan durbaba gaashaanka ku dhuftay dowlad goboleedyada qaarkood iyo xisbiyada siyaasadda, waxayna ku tilmaameen arrin kasoo horjeedda dastuurka.

Dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaan iyagu la daahin war saxaafadeedyo ku saabsan diidmadooda ku aaddan sharcigan.

Warsaxaafadeedyada oo inta badan isu ekaa dhanka qodobada, ayaa madaxda dowladda loogu baaqay in ay dib uga fiirsato sharciyada golaha wasiirada ay ansixiyeen ee doorashooyinka iyo waliba kan batroolka.

Dhanka xisbiyada siyaasadda, illaa iyo hadda waxaa war saxaafadeed soo saaray xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyaha ka yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana lagu sheegay in “ujeedada dhan ee sharciga doorashooyinka ay tahay muddo kororsi xilleed”.

Dhinacyada wada ay si isku mid ah dhaliil uga qabaan in aanan lagala tashan iyaga .

Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaanan iyagu ka hadlin sharciga la ansixiyay.

Nidaamka Doorashada

Qodob kale oo aad loogu kala aragti duwanyahay oo ku jira xeerka cusub ayaa ka hadlaya nidaamka doorashada ay u dhacayso.

Xeerka cusub ayaa dhigaya in doorashada lagu galo qaab xisbiyo, iyada oo musharaxa madaxweyne ee xisbiga hela aqlabiyadda baarlamaanka uu si toos ah u noqonayo madaxweynaha, isla xisbigaasna uu noqonayo kan soo dhisayo xukuumadda.

Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa qaba in madaxweynaha ay soo doortaan xildhibaanada baarlamaanka.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa lagu yiri “Ansixinta Hindise Sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyo sharciga xisbiyada siyaasadda dalka ee dib-u-eegista lagu sameeyay ayaa qeyb ka ah halbeegyada Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ee lagu guuleystay”.

Nidaamka doorashada loo galayo ayaa noqonayso kan loo yaqaan Matalaadda dheelitiran – ee Liiska xiran, taas oo ka dhigan in xisbiyada ay doorashada ka hor soo gudbiyaan magacyada musharixiinta xildhibaanimada.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda federaalka iyo guddiga doorashooyinka madaxa banaan ayaanan weli labaduba ka hadlin hindise sharciyeedka cusub.

Hase yeeshee waxaa jirta in madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay isugu tagayaan magaalada Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here