Pierre Emerick Aubameyang oo u dhashay Gabon, una cayaara naadiga Borussia Dortmund ayaa ku guulaystay jaa’isadda cayaartoga K/cagta Afrika ee sannad kasta uu soo qabanqaabiyo xiriirka K/cagta Afrika ee CAF, xaflad ka dhacday magaalada Abuja, Nigeria. Jaa’isadda oo la yiraahdo Glo CAF, waxaa sannadkan la dhex dhigay Aubameyang, Yaya Toure, iyo Andre Ayew. Cayaaroyga ugu wanaagsan Afrika ee ka cayaara gudaha qaaradda waxaa ku guulaystay Mbwana Samatta oo u dhashay Tanzania, halka jaa’isadda hogaamiyaha K/cagta ee sannadka uu ku guulaystay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta C/qani Siciid Carab. Lix abaalmarin oo kale ayaa lagu bixiyey xafladda Glo CAF ee ka dhacday Abuja.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.