Australia oo masaafurisay Gabadh Somaliyeed oo ku Uuraysatay kufsi loo geystay

0

Dawladda Australia ayaa si qasab ah diyaarad gaar ah ugaga saartay dalkeeda Haweenay Soomaali ah oo Kufsi loo gaystay lana uureeyay. Haweenaydani ayaa la sheegay in ay ka baaqsatay balan ay la lahayd dhakhaatiir la sheegay in ay ilmaha uurkeeda ku jira kasoo ridayeen, taasi oo loo keenay Australia kadib markii dawladu cadaadis xaga shacabka ah kala kulantay. Haweenaydani ayaa dacwadeeda maxkamada loo gudbiyay isla markaana qareenada u doodayi ku doodeen in ay xaq u leedahay in caafimaadka inta aysan galin talooyin hesho, balse ay dawladu diiday in waqti ay haweenaydaasi hesho si jujuub ahna lagu saaray diyaarad khaas ah iyadoo gudan caafimaadkii loo keenay Austarlia. Nauru-detention-centre Nauru detention centre Qareenadani Gabadhani 23 jirka ah ee Soomaaliyeed ayaa ku gacansaydhay eedaymaha dawlada ee ah in ay diiday in ay khamiistii soo xaadirto cisbtataalka. Warbaahinta Ausralia oo isha ku haysay xaalada Gabadhaaasi ayaa si wayn uga qaylyay hab dhaqanka dawlada Australia. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here