Axmed Cali Xaashi oo ku guulaystay gudoomiyaha baarlamaanka Puntland

0

Xidhibaan Axmed Cali Xaashi ayaa ku guulaystay doorashada gudoomiyaha barlamaanka Puntland, kadib markii kusoo baxay wareegii ugu dambeeyay ee doorashada gudoomiyaha. Musharaxa guulaystay ayaa helay codad gaaraya 42, isagoo ka guulaystay murashax Cabdixakiin Dhoobo-daareed oo isagu helay codad gaaraya 20, Waxaana halkaasi kusoo idlaatay doorashada gudoomiyaha barlamaanka Puntand oo waayahaan si weyn looga sugayay deegaanada Puntland. Gudoomiyaha cusub ayaa buuxin doona booskii uu baneeyay Siciid Xasan Shirre oo dhowaan iska casilay xilka gudoomiyaha barlamaanka Puntland, kadib markii barlamaanku ka keeneen mooshin.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here