Axmed Madoobe oo Cadaado si diiran loogu soo dhoweeyey

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhow gaaray degmada Cadaado oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug. Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Cadaado ku soo dhoweeyey madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed wasiiro ka tirsan maamulkaas, saraakiil iyo xubno kale. Wafdiga Axmed Madoobe ayaa loo kaxeeyey xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug ee ku taala gudaha degmada Cadaado, halkaasoo ay kulamo kula leeyihiin madaxda maamulka Galmudug. Labada hogaamiye ayaa la filayaa iney shir jaraa’id ku qabtaan degmada Cadaado ka dib marka ay soo dhameystaan kulamadooda. Amaanka degmada Cadaado ayaa maanta si weyn loo xoojiyey saaka waxaana la xiray jidadka qaar oo la dhigay ciidamo aad u hubeysan oo amaanka ilaalinaya.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here