Axmed Madoobe oo shaaciyey howlgal la magac baxay Webiga Jubba

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay socdaan qorsheyaal dagaal oo la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay uga sugan yihiin seddexda Gobol ee Jubaland. Madaxweynaha ayaa xusay in bishan gudaheeda uu Jubooyinka ka bilaaban doono howlgal uu ugu yeeray (Howgalka Webiga Jubba) kaasoo uu xusay in Shabaab looga saari doono degaanada Jubaland. Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Kismaayo ay gaareen qeybtii ugu horeysay ciidamo ka socda kuwa Itoobiya qeyb ka ah AMISOM kuwaasoo buuxinaya kaalintii ay baneeyeen ciidamadii Sierra Leone ee isaga baxay dalka. Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ka dib safarro shaqo oo ku aaday qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa ka warbixiyay waxyaalihii usoo qabsoomay mudadii uu ku maqnaa dalka dibadiisa. Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka Itoobiya uu uga soo qeybgalay shir looga hadlayay sidii la isaga kaashan ammaanka guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ka Jubbaland ahaan ay waxyaalo badan kasoo wada-hadleen mas’uuliyiintii kala duwanayd ee uu lasoo kulmay. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in kulamadaasi ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen kulamo looga hadlayay sida looga guul gaari karo shirka madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka dalka ee sanadka, kaa oo 10-ka bisha ka furmi doona Kismaayo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here