Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday Magaalada Jigjiga

0

Ilaahay haw naxariiste waxaa magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya ku geeriyooday Weriyihii caanka ahaa ee Soomaaliya Axmed Xasan Cawke. Geerida Weriye Axmed Xasan Cawke waxaa maanta xaqiijisay gabadha keliya ee ay walaalo yihiin Cawke oo magaceedu yahay Canab Xasan. Waxay sheegtay Canab in walaalkeed Axmed Xasan Cawke uu xalay goor danbe kala soo hadlay telefoonka oo uu u sheegay in neeftu hayso oo uu aad u xanuunsanaayo, kadibna loo soo xaqiijiyay inuu geeriyooday. Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada. Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Telifishankii Soomaliya, kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii somaliya. Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka Soomaliga ee BBC sanadkii 1996, isagoo si weyn loogu yaqiinay barnaamijkii madadaalada iyo Salaamaha. Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaliga ee VOA iyo dhowr telefishin oo gaar loo leeyahay. Waxaa la filayaa in maydka Axmed Xasan Cawke la keeno Somaliland oo aas qaran loo sameeyo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here