Baaq: Cambaarayn iyo kalsooni kala noqosho Cali Khaliif iyo Shirqoolkii HASS PETROLEUM ee Garaadka

0

Og: Garaad Saleebaan Garaad Maxamed. Og: Gollaha Cuqaasha Beesha Ugaadhyahan. Og: Dalada Aqoonyahanadda Beesha. Og: Qurbajoogta Beesha Ugaadhyahan. Ku: Ciddii ay khusayso iyo Beelaha derisyada. Ku: Beelasha WARSANGELI. Ujeedo: Cambaaray iyo Kalsooni kala noqosho Cali Khaliif Galaydh iyo Shirqoolkii HASS PETROLEUM ee Garaad Saleebaan. Sida Umadda Soomaaliyeed badankeedu wada ogsoon yihiin Garaadka Guud ee Sool iyo Sanaag Garaad Saleebaan Garaad Maxamed wuxuu hormuud ka ahaa xalintii colaadii Qoriley iyo Magacley oo mudo 10 sano ka badan soo jiitamaysay. Garaadku isagoo howsha ku guda jira ayuu xanuunsaday wuxuu baaris caafimaad ugu baxay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo uu uga sii gudbi doono UAE. Waxaa ayaan daro ah in Garaadka ay Muqdisho kala kulanto Shirqool ay iska kaashadeen HASS PETROLEUM, Cali Khaliif Galaydh iyo shakhsiyaad ay kaxaysteen. Beesha Ugaadhyahan gudo iyo dibadba ma u dulqaadanayso Shirqoolkii iyo aflagaadooyinkii badheedhka ahaa ee Garaadka ay kula kaceen kooxda aan kor ku soo sheegnay. Sidaasdarteed: 1. Waxaa dhamaan Beelweynta Ugaadhyahan iyo degaamadeeda la ogaysiinayaa in Kalsoonidii lagala laabtay Cali Khaliif Galaydh iyo Kooxda Khaatumo. 2. In cidkasta oo kooxda Cali Khaliif ku sii jirtaa aanay metelin beesha ee ay yihiin Caloosha u shaqaysteyaal dhuuni ku raacay. 3. In Cali Khaliif iyo taageerayaashiisa laga mamnuuco degaamada Beesha ee Gobolada Sool iyo Sanaag. 4. Beelaha derisyada (Gaar ahaan shacabka Reer Maakhir) waxaan la socodsiinaynaa in Beesha Ugaadhyahan u hayso derisnimo wanaag iyo Tolnimo, caws iyo biyo wadaag ah, balse aanan raali ka noqonayn inaad Cali Khaliif oo aan dad iyo degaantoona metelin xuduudka ugu tagtaan. Hadii arintani dhacdo waxay dhaawacaysaa derisnimada iyo isgarabsigii Warsangeli iyo Beesha Ugaadhyahan u dhaxeeyey, taas oo ah midaan labada geesoodba u wanaagsanayn. 5. Beesha Cali Geri oo weligeedba wanaag noo dhexeeyey waxaan uga gole fadhinaa qadafkii uu ninka lagu magacaabo CABDI QANI YUUSUF GUREY (KORISHOOF), xaflad ilyartu isqabatay kula kacay Garaad Saleebaan. 6. Beesha waxay mulkiilaha Shirkada HASS PETROLEUM CABDI NAASIR CALI DHEERE ka codsanaysaa inuu jawaabka ka bixiyo sababta Wakiiladda Shirkada ee Muqdisho uga qaybqaateen Shirqoolkii Garaad Saleebaan Garaad Maxamed lala damacsanaa iyo inuu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan arintan. Wabilaahi Towfiiq. MADASHA WADATASHIGA BEESHA UGAADHYAHAN.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here