BAAQ KU SOCDA MAAMULKA IYO SHACABKA KHAATUMO

0

LAASCAANOOD- Shabakada Goojacdde waxay Baaq halkan uga diraysaa Maamulka iyo Shacabka Khaatumo waana sidatan:- “Sida aad la socotaan Bulshada ku dhaqan Goboladda SSC ee Maamulka Khaatumo burburkii ku dhacay umadda Soomaaliyeed kasokow waxaa aafeeye Tacadiyo iyo Cadaalad daro kaga yimid Maamuladda Hareeraha ka xiga iyo Dawladihii Soomaaliya ka dhismay Burburka kadib. Waxay samaysteen Maamulka Khaatumo waxayna isku dayeen in ay aqoonsi iyo caddaalad ka helaan Dawladihii Shiriif Sh. Axmed iyo Xasan Sh. Maxamuud hase yeeshee way ka waayeen haba ugu sii daraato Dawladdii Xasan Sh Maxadweynaha ka ahaa. Taasi waxay keentay in Maamulka iyo Shacabka degaanadaasi usii adkaysan waayeen ayna wadahadal harjad ah iyo isdhiib la galeen Maamulkii ugu tacadiga badnaa dhinac kasta oo laga fiiriyo. Hadaba maanta waxaa Soomaaliya ka dhalatay Dawlad Cusub oo ay cadaalad iyo Garab aqoonsi ka fili karaan. Sidaa darteed waxaan usoo jeedinaynaa Maamulka iyo Bulshada Khaatumo in ay joojiyaan Wadahadaladii isdhiibka iyo caal waaga ahaa ee ay la wadeen Maamulka Soomaaliland sidii horeba aqoonyahanada iyo asaasayaasha Khaatumo hore usoo jeediyeen, waana in laga faa’iidaystaa Fursadan Cusub ee Soomaaliya kusoo korodhay taas oo ay muddo sugayeen ayna ka heli karaan aqoonsi iyo isbarbar taag. haddii Maamulka Khaatumo ku adkaysto oo sii wado isdhiibka iyo wadahadalada harjadka ah ee uu Soomaliland la wado waxaan Shacbiga Khaatumo ugu baaqayaa in ay diidmo kala horyimaadaan af iyo adinbana ku muujiyaan. Sidoo kale waa in ay shucuurtooda ku muujiyaan Banaanbaxyo wadahadalkaas lagaga soo horjeedo. haddii taas la yeeli waayo waxaad ogaataan in aan dib danbe loo maqli doonin Khaatumo, Dhulkeeda iyo Dadkeedaba. Wa billaahi towfiiq goojacde.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here