Baaq nabadeed beelaha ku dagaalamaya Dharkayn iyo Xidhxidh ee G Sool

0

BISMILLAHI ARAHMANI ARAHIIM Anagoo ku hadlayna magaca Qurbajoogta ku Nool Australia iyo New Zealand ee ka soo jeeda degaanadaas colaadu ka oogantay waxaanu ka codsanaynaa ehelka ku dagaalamaya degaankaas aan kor ku sheegnay in ay xabadda iyo gulufka joojiyaan shuruud la’aan iyadoo ay xaaran tahay in la daadsho Dhiig Mulim iyadoo lagu jiro Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan. Waxaan Allah ka baryeynaa in uu caafimaad siiyo intii ku dhawacantay colaadaas intii ku dhimantayna u dembi dhaafo , samir iyo Imaan na ka siiyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen iyadoo guri kasta oo labada beelood ah ay tacsi taalo Maanta. waxaan Ka codsanaynaa dhammaan Isimada, Cuqaasha, Culimada , waxgaradka iyo dhalinyarada ka soo jeeda Gobolka sool, sanaag iyo cayn in si degdegga nooga aqbalaan codsigayagan oo ay kala dhex galaan labaadsaas beelood ee isku dhanqanka iyo dhalshada iyo calaf wadaaga ba leh ahna wiil iyo walaashii ubadkii ka kala beermay ( waa isu inaabti , seedi ,sodog , habarwadaag iyo weliba qaar naas wada nuugay). Somalidu waxay ‘tiraahdaa colaad sokeeye marba halka ay kugu marayso ku jooji”. Waxaan Allah ka baryeynaa in uu qaboojo coladaas aniga oo ku hadlayaa magaca odayasha, waxgaradka, hablaha, culimada ,aqoonyahanka iyo dhalinyarada ka soo jeeda Gobolka sool Sanaag iyo Cayn kuna kala nool magaalooyinka Brisbane, Melbourne , Perth, Sydney , Adelaide (Australia) iyo Magaalada Hamilton (New Zealand) Magacyadda diraaya baaqan: 1. Ismail Dirie Gamadid – Dhegaweyne 2. Mohamoud Haji Hiirad 3. Hussein Kawir 4. Ahmed Mohamed Darman 5. Mohamoud Abdi ( Mohamoud Dahable) 6. Ali Abdi Ismail 7. Abdillahi nur Giije 8. Mahdi Hassan Adde 9. Husseim Mohamed hayd 10. Mohamed Jirde 11. Mubarak Abdillahi hasssan 12. Abdi baruud 13. Abdi Farah gohe 14. Aden ahmed Muse 15. Ahmed Duale Bacayeef 16. Aden Hassan ( aden hayaag) 17. Abdinasir ahmed Oog 18. Dr. Ahmed Tirike 19. Aden abdi halac 20. Ismail Hussein Arab 21. oday Aidiid abdille bayle 22. Oday abdillahi jama 23. Oday Bashe Hassan adde 24. Oday abdi gaas 25. Hassan Shiine Ali Hassan 26. Ahmed Mohamed Shire Gaab 27. Suleiman Isse abdi 28. Mohamed Said aw abdi -Sumuli 29. Abdillaahi sheikhdoon 30. Jama mohamed Hassan 31. Jama Mohamud Indhataag 32. Abdinur Mohamoud ismail Balayah 33. Ali Yasin Aidid 34. Shawqi Osman 35. Ahmed mohamed Ali Bulhan 36. Yusuf Ahmed Deeq 37. Ibrahim Wade Dabay ( G. Pasifika) 38. Faysal Faray 39. Farah Abdi isse 40. Aden Mohamed Yusuf Gorayafuul 41. Mohamed Osman Fagagan 42. Abdirahsid Ali 43. Haji Abdi Hiirad 44. Abdi Aden Ali – Abdi dayr 45. Abdi Jama Good 46. Abdi Said Olad 47. Oday haji omar Diiriye 48. Mohamed Aden Elmi 49. Abdi Aden Hiiraad 50. Sh Abdirizaq Mohamed 51. Asad Hassan Saadle 52. Mohamed Haji Ali 53. Mohamed Ali Hassan 54. Yusuf Hashi Hirsi 55. Ali Mohamud Gamadid 56. Mohamed Abdishukri hassan 57. Abdi ismail Boss 58. said Abdi yare Suleiman 59. Ahmed ibrahim Dhuxul 60. Mohamoud jama Malow 61. Abdi Awad 62. Gabdhaha iyo dhalinyarada ku kal nool Magaalooyinka aan kor ku soo sheegnay. Mahadsanid Diyaariye: Mr. Ismail Dirie Gamadid – Dhegaweyne Brisbane, PH:006145655232 ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here