Baaq nabadeed oo ku wajehan Beelaha walaalaha ah

0

ASALAAMU ALAYKUM WA RAHMATULAAHI WA BARAKAATUHU EID Mubaraak Waxaan halkan Tacsi ugu soo gudbinayaa dhamaan qoysaskii ay ku geeriyoodeen eheladoodii dagaalkii ka dhacay qorilay iyo aaga hawdka, waxaan Allah uga baryayaa in uu janaddii ka waraabiyo iyagana samir iyo iiman ka siiyo. Haddii aan usoo gudbo baaqa nabaded ee aan usoo diraayoo dhamaan beelaha ku dagaalamaya degaanadda u dhaxeeya qoriley iyo magacley waxaan ka codsanayaa in ay halkaas ku joojiyaan colaada dheeratay ee sababtay in ay ku naf waayaan dad walaal iyo eheba ah oo aan waxba galabsan. Taariikh ahaan labada reer ee colaadu dhexmartay waxay la haayeen isdhexgal dheer iyo wada dhalasho ka soo jeeda isguursiga dhexdooda iyagoo deegan wada leh oo dad iyo xoolaba xeryahoodu kala roganyihiin. waa dad taariikh leh balse colaada daba dheeratay waa ” GAR DARO GARAB OG” waxaana hurinayaa coladaas gacmo kale oo aan wax dan ah ka lahayn nolosha beelahaas wada degga. Waxaan ka codsanaya isimada , cuqaasha , culimaaudiinka , waxgaradka beelahaas in ay si ehelnimo iyo islaamnimo leh ugu gurmadaan sidii ay u qaboojin lahaayeen colaadaas fursadna aanay u siin kuwa isku dilaayaa labadaas beelood. Anigoo ah aqoonyahan ka soo jeeda degaanka colaadu ka ooganatahay , waxaan Allah ka codsanayaa in uu damiyo coladaas, waxaan ka codsanayaa ismaamulka kilinka shanaad ee Itoobiya in uu soo dhexgalo oo ciidamo kala dhex dhigo gurmadka isu soconaaya labada dhinacba. Mahadsanidin Mr. Ismail Dirie Gamadid (dhegaweyne) aqoonyahan SSC, Brisbane, Australia ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here