Baaq Taageero dhifaaca dhulboobka degaanka Bixin

0

Sida umadda Soomaaliyeed ka warqabto waxaa dabayaaqadii bishii tagtay ee February weerar dhulboob ah degaanka bixin ku soo qaaday dad iyo masuuliyiin ka soo jeeda Gobolka Nugaal. Degaanka Bixin waxay ka tirsan tahay Gobolka Sool marka loo eego khariiradii 18 Gobol iyo Ingiriiskaba, waana wax cad oo marag madoon ah. Guud ahaan Shacabka Sool waxay arintaas u arkeen gef weyn oo kaga yimid walaalahooda ay deriska yihiin, mana aha waxay ka filayeen, waxayna dhalisay xiisad colaadeed. Guud ahaan Qurbejoogta Sool iyo Sanaag waxay hambalyo iyo taageero buuxda u dirayaan dhamaan intii ka qaybqaadatay ka hortaga dhulboobka qaawan iyo degaameynta sharci darada ah ee laga sameeyey Degaanka Bixin. Gaar ahaan intii gacan ka geysatay oo ay ugu horeeyaan ciidamadu, Isimada, Cuqaasha, Guurtida, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee Bulshada. Waxaanu boorinaynaa cidkasta oo gacan ka geysanaysa dhifaaca Dhulboobkan. Sidoo kale waxaan soo dhoweynaynaa cidkasta oo ka qaybqaadanaysa xal u raadinta arintan, maadaama ay nabadu tahay udhub dhexaadka nolosha. Wabillaahi Towfiiq AFHAYEENKA QURBEJOOGTA UGAADHYAHAN KHAALID M MUUSE DHIIL]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here