Baaq Taageero iyo bogaadin Guddiga Nabadaynta Taleex (Caaqil Osmaan Gaabay)

0

Anigoo ah Caaqil Cismaan Caaqil Cabdullahi, salaan qaali ah oo beesha Nuur Axmed gaar u ah kadib, waxaan halkan ka gudbinayaa farriin xambaarsan dareenkayga iyo kan beesha reer sarmaanyood, taasoo ku aaddan xal u raadinta mashaqadii Taleex. Dhacdooyinkii nasiibdarada iyo taariikhda madow lahaa ee soo maray mandaqadda beesha waxay ahaayeen kuwo arragga iyo maqalkaba u daran, turxaan iyo dhaawacna ku ahaa ehelnimada, nabadgelyada iyo dadnimadaba. Ilaahayna waxaan ka baryaynaa in ay intaa inagaga ekaadaan dibna aanay inoo soo marin. Aamiin Amiin. Cidkasta oo ay danqaysey indhaxumada iyo dhibaatada taleex ka taagnayd, waxay ku farxidoontaa wixii guula ee laga gaadho mashaqadaasi. Run ahaantii waxaannu ku diirsanay indhahana dhowaanahan la raacayney, dhaqdhaqaaqa maslaxa doonka ah, ee ay bilaabeen qaar ka mid ah waxgaradka beesha Nuur Axmed. Arrintaasi waa mid wax ku ool ah oo loo baahnaa, cid kastoo ay u taalleyna ay ku ceebaysnayd, in hore loo galona ay ahayd. Guddiga nabadaynta iyo tolkii magacaabayba waa ku taageeraynaa tallaabooyinka qiimaha leh ee ay durba qaadeen, waana ku garab taaganahay kuna bogaadinaynaa, isxilqaanka iyo dadnimada ay beeshu la timi. Waxaannu ka codsanaynaa shacbi weynaha deegaanada taleex iyo cidkasta oo ay arrintani khusaysoba in ay soo dhoweeyaan, isgarabtaagaan, wixii looga baahdana si daacadnimo leh oo waafiya u fuliyaan. Si gaar ah raasaska Faarax Cali iyo Samakaab Cali waxaannu uga codsanaynaa inay aqbalaan codsiyada guddiga hormuudna ka noqdaan sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatooyinkii dhacay. Mar labaad waa u hambalaynaynaa guddoomiyaha guddiga nabadaynta Taleex iyo waxgaradka arrrintaa isu taagey iyo ciddii kale kala shaqaysa sidii xalwaara arrinta Taleex looga keeni lahaa Waxaannuna la garab istaagi doonaa hiil iyo hooba wixii awooddayada ah. Towfiiq iyo talo lagu najoxo inshaa Allaah. Caaqil Cismaan Gaabey.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here