BAAQNABADEED: BEESHA AADAN CALI OO KU BAAQDAY IN LA JOOJIYO COLAADA CEEL AFWEYN

0

BAAQNABADEED BEELAHA WALAALAHA AH EE KU DAGAALAMAY DEGAAMADA CEEL AFWEYN: Beesha Reer Aadan Cali (Nuur Axmed Galbeed) waxay aad uga xuntahay dirirta beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degaamo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag, sababtayna dhimashada iyo dhaawacyadaba. Sidaa darteed waxaan labada beelood ee walaalaha ah ugu baaqaynaa inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda dhiiga badani ku daatay ee ka soo horjeeday diinteena. Waxaan idiinka codsanaynaa inaad wixii is afgaranwaa ah lagu xaliyo wada xaajood, tolnimo iyo isu tanaasul. Ugu dambeyntii waxaan labada beelood u sheegaynaa in colaad wiil ku dhinta mooyee aanay wax kale soo kordhinayn, sidaasdarteed ay u hongaasamaan cidkasta oo ka shaqaynaysa nabadgelyada iyo xalinta khilaafka labada beelood. ALLAA MAHADLEH BEESHA REER AADAN CALI (NUUR AXMED GALBEED)]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here