BAARLAMANKA PUNTLAND OO ANSIXIYAY XUKUUMADDA CUSUB EE M DENI

0
Xildhibaannada golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay, xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

63 mudane oo fadhiyay kulanka maanta, ayaa dhammaantood si wadar ah codka kalsoonida u siiyay, xukuumadda cusub ee la horkeenay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Golaha wasiirada cusub, oo Sabtida maanta uu madaxweynuhu horgeeyay mudanayaasha Baarlamanka, si ay kalsoonida u siiyaan, ayaa mid-mid looga dhegaystay taariikh-nololeedkiisa iyo aqoontiisa shakhsiga ah oo ay ka hor-akhriyeen golaha wakiilada.

InTaasi kadib, madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka horjeediyay Baarlamanka, ayaa weydiistay in ay u ansixiyaan xukuumadda, si looga dhabeeyo ballan-qaadyadiisi ololaha doorashada ee Tayeyn &Tiigsi iyo qodoba cusub oo uu ku xoojiyay.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here